Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay iska Hor imaad ka dhacay Jowhar

Kadib markii Xalay Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe muddoo ku dhow hal Saac uu dagaal ku dhexmarayay Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa dhacdadaasi faahfaahiyay masuuliyiin ka tirsan maamulka hirshabeelle.
Dagaalka oo ka dhacay Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar ayaa la xaqiijiyey inuu sababay dhaawaca hal askari,kadib faah faahin ay ka bixisay Wasaaradda Amniga maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.
Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shababa ay so weerareen Koontorool laga soo galo Magaalada Jowhar,hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo halkaas ku sugnaa ay iska difaaceen.
Waxa uu xusay inay Al-Shabaabku isku dayeen iney amaanka Magaalada qal qal galiyaan ayna Rasaas Kusoo Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galaya Magalada Jowhar iyo kuwa kabaxa, wuxuuna intaasi sii raaciyay in kooxiihii Falkaas ka gaystay Fariisimahaha ciidanka Amniga ay ku daba jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.
Xaalada Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe sidoo kalena ah Caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa saaka ah degan,waxaana si caadi ah u Shaqeynaya dhaq dhaqaaqa Gaadiid iyo Ganaccsiga,hayeeshee waxaa siweyn looga dareemay dagaalkii dhex-maray Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here