Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Xildhibaan ka tirsanaa oo la dilay

Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle,kaasoo saakay Al-Shabaab gaari kala dageen,kadibna ay dileen.
War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa loogu tacsiyadeeyay Ehellada marxuumka,isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabaab ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab xilliyada ay ku guda jiraan socdaalka Deeganada Maamulka Hirshabelle.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Hirshabeelle waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale uga digay Qataraha Kooxaha Argagaxisada loogu yeero ay kageysan karaan Deeganada Hirshabelle
AUN Xildhibaanka ayaa la sheegay inay ku dileen degaanka yaaqle oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xildhibaanka ayaa saaka Gaari kasoo raacay Magalada Jowhar, isagoo ku wajahnaa Magaalada Muqdisho,hayeeshee waxaa la sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gaariga kala dageen xilli uu marayay duleedka Tuulada Gololeey oo ku taalla wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here