Maamulka Hirshabeelle oo ka warbixiyay howlaha Gurmadka Beledweyne.

Weli waxaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka maqan dadkii ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Magaaladaas, waxayna wararku sheegayaa in qaar ka mid ah deegaanada duleedka ka ah magaalada Beledweyne ay ku dhibaataysan yihiiin qaar ka mid ah dadkii Magaalada Ka barakacay.
Shirkado Ganacsi,Madaxda Dowladda dhexe, kuwa maamul Goboleedyada,qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga waxay u Sameeyeen gurmad ayadoo gaarsiiyay agabyo ay aad ugu baahnaayeen.
Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in qeybinta deeqaha dadka loogu talo galay loo kala qeybiyey Saddex qeyb oo kala ah deeqo dhinaca Maamulka soo gaaray,kuwa shirkadaha Ganacsi laga helay iyo kuwo ka yimid Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in bixinta deeqaha kala duwan ee dadka loogu talo galay ay si wanaagsan u socdaan,hayeeshee Shirkadaha Ganacsi ay ka maamul ahaan u madax baneeyeen qeybinta deeqaha ay dadka barakacay ugu talo galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here