Maamulka Hirshabeelle oo ku howlan Qorshe looga hortagayo Fatahaadaha

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta daah furay qorshe lagaga hortagaayo fatahadaha wabiga Shabeelle uu ka geysto deegaanada Maamulka Hirshabele kaasoo ay Sanadkasta Saamayn balaadhan ka dhalato.
waxa qorshahaan ka mid ah in daraasad lagu samaynayo goobaha inta badan ay biyaha wabiga kasoo jabsadaan oo darasad dhab ah lagu sameyndono si xalkeeda loo raadiyo.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Wuxuu markale bogaadiyay dadaalada horey ay u wadeen belshada ku Nool Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan Halkaasoo ah meesha ugu daran ee Saamaynta aadka ah ay ku soo lalaabato.
Madaxweyne Waare ayaa Xusay in qorshaha kahortaga fatahada wabiga Shabeelle uu aad muhiim u yahay sidoo kalena uu ku howlaneyaasha ka codsaday inaysan ka caajisin oo ay sii laba jibaaraan Shaqada Muhiimka ah ee dadka iyo deegaankaba ay u hayaan.
Magaalada Beledweyne iyo deegaanada hoos yimaada waxaa dhibaato weyn ku haayo fatahado ku soo noqnoqday kuwaasoo cuuryamiyay ganacsiga gobolka uu caanka ku ahaa ee beeraha iyo bur bur ay magaladu ka dhaxashay fatahadihi ku dhuftay 3 sano ee lasoo dhaafay.
Sidoo kale Gobolka shabeellada dhexe oo isna Hiiraan la Daris ah ayay saamayn dhaqaale iyo mid bulshada ka soo gaartaa fatahaadaha ugu yaraan laba Mar ku soo laabta halkii sanaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here