Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inay bilaabeen baaritaanka dhalinyaro Balcad lagu dilay

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed cabdiraxmaan Kheyre

Wasiirka Amniga Maamula Hir-Shabeelle Maxamed cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan la xiriira 8 dhalinyaro ah oo lagu diley deegaanka gololeey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa marka hore cambaareeyay falkaasi,waxaana uu sheegay inuu ahaa mid ka baxsan Bini aadan nimada, Diinta Islaamka iyo Dhaqankeena Suuban ee dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hey’addaha Amaanka Hirshabeelle iyagoo kaa shanaayo laamaha Baarista Dowlada dhexe ay wadaan Baariraanka dhabta ah ee cidii ka danbeesay Falkaas foosha aadka u xun ,isla markaana la horkeeni doonaa Cadalada, laamaha baaristana ay warbixin faah faahsan kasoo saari doono sida ugu dhaqsaha badan.
Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa canbaareeyay dilka dhalinyaradaas wuxuuna muujiyay sida uu uga walaacsan yahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaala caafimaad ah iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarunta caafimaad oo ku tiillay tuulada Gololey ee Gobolka Sh/Dhexe.
Mr. Adam Abdelmoula ,waxa uu xusay inaan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi,isla markaana ay tahay mid xadgudub ah oo dhan ka ah sharciga caalamiga ee arimaha biniaadanimada iyo habdhaqanka caadiga ah.
Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula,Waxa uu tacsi u diray qoysaska dadka la dilay,isagoo dhinaca kalana cambaareyay falkaasi arxan darida ah ee lagula kacay shaqaalahaasi caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here