Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inay Shabaab badan soo Galeen deegaanadiisa

Wasiirka Amniga ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre ayaa sheegay in culeyska Ammaan ee kajira wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdisho & Jowhar ay sabab u tahay howlgallada ay Ciidamada Dowladda ee Xoogga ka wadaan degaano ak tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa uu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee kasoo weecday howlgallada ay Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan Shabeellaha Hoose ay u soo wareegeen degaannada Hir-Shabeelle, iyagoo geysta weeraro kala duwan.
Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre ayaa sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo gaareen inta u dhaxeysa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in caqabada amni ee ka jirta degaannada Hir-Shabeelle iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee kusoo qul qulaya ay u gidbiyeen Hay’adaha Ammaanka dowlada dhexe ee Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in wax laga qaban doono amaan darada wadada xiriiirisa shabeelada dhexe iyo banaadir.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan wadada xiriirisa Magaalooyink Muqdisho & Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weraro ay geysteen Al-Shabaab oo lagu dilay, Askar, Xildhibaano & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamul goboleedka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here