Maamulka IPOA oo baaraya dilal booliska lagu eedeyay

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska dalka ee IPOA ayaa shaaca ka qaaday inuu baarayo ilaa afar kiis oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo loo aaneeyay toogasho ay gaysteen ciidamada booliska .
Kiisaskan ayaa isugu jiro laba canug oo ay da’dooda ka hooseyso 5 sano oo ciidamada ammaanka lagu eedeyay inay toogasho ku dileen iyo mid kale oo arxaan darro lagula kacay xilli uu xabsi ku jiray taasi oo dhimasho sababtay.
8-dii bishan sagalaad ayay ahayd markii Duncan Githinji oo laba sano jir ahaa uu dhintay kaddib markii lagu toogtay deegaanka Kasarani ee magaaladatani Nairobi oo ay xilligaasi rabshado ka dhacayeen.
Guddoomiyaha maamulka IPOA Anne Makori ayaa booqatay waalidiinta canuggan waxayna u sheegeen inay doonayaan inay cadaalad helaan oo keliya.
Ciidamada booliska ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa iyagana wajahaya baaritaano la xariira canug 5 sano jir ahaa oo lagu eedeyay inay toogteen.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in laanta maamulka IPOA ee ismaamulka Embu ay baaritaano ku hayso taliye ku xigeen booliska ka tirsan oo toogtay dhaawacna gaarsiiyay mid ka mid ah wadayaasha baabuurta ay dadweynaha ku safraan ee mataatuuda.
Maamulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in kaddib marka uu baaritaanada soo gabagabeeyo uu u gudbin doono waaxda dacwad soo oogidda dalka si ay tallaabada habboon u qaaddo.
Tan iyo sannadkii 2012-kii oo la soo dhisay maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska waxaa loo soo gudbiyay in ka badan 12,000 oo ah cabashooyin ka dhan ah ciidamada ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here