Maamulka IPOA oo baaraya dilal laga gaystay Nairobi

Maamulka qaran ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa guda galay baaritaanno ku aaddan dilal laamaha ammaanka lagu eedeyay inay u gaysteen laba wiil oo dhalinyaro ah.
Guddoomiyaha maamulkan, Anne Makori ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay baaritaanno qoto dheer ku sameeyn doonaan qaabka loo fuliyay toogasho laga soo tabiyay xaafadaha Majengo iyo Mwiki ee caasimadda dalka.
Dilalkan ayaa dhacay maalmihii Arbacada iyo khamiista taariikhduna ay ku beegnayd 15 iyo 16-kii bishan .
Ms Makori ayaa intaas ku dartay inay si gaar ah u eegi doonaan sababtii booliska ku qasabtay inay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan dibadbaxayaal.
IPOA ayaa marka ay baaritaannada gabagabeyso kaddib soo jeedinno u gudbin doonto maamullada kale ee dalka si haddii ciidamada wax dambi ah lagu helo maxkamadda loo geeyo.
Anne Makori , guddoomiyaha maamulka IPOA ayaa hoosta ka xarriiqday inay sii wadayaan dabagalka lagu sameeyo habdhaqanka ciidamada booliska gaar ahaan xilliyada ay ka falcelinayaan dibadbaxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here