Maamulka IPOA oo baaraya sarkaal lala xiriiriyay boobka dhulalka

Maamulka qaran ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee loo yaqaano IPOA ayaa baaritaano ku haya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo lagu eedeyay inuu qeyb ka yahay qorsho dhul lagu boobay.
Shirkadda qareenada ee Wanja and Kibe Advocates oo wakiil ka ah Mr Kapildev Kotedia ayaa cabashadan maamulka u gudbisay .
Mr Johnstone Ipara oo hadda ah taliyaha booliska ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa loo haystaa inuu awoodiisa u adeegsaday in deegaanka Embakasi ee Nairobi uu ka dhaco dhul qiimihiisu yahay 150 milyan oo shilin.
Wargeyska Sunday Nation ayaa ku warramaya in sii hayaha xilka agaasimaha qaabilsan dhageysiga cabashooyinka ee maamulka IPOA , Mr Evans Okeyo uu u xaqiijiyay in baaritaano la guda galay.
Agaasimaha isgaarsiinta ee maamulkan , Mr Dennis Oketch ayaa dhankiisa laga soo xigtay in baaritaano qoto dheer la sameynayo si xaqiiqda loo ogaado kaddibna tallaabada habboon loo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here