Maamulka isbitaalka Guriceel oo ka cabanaya inuunan haysan qalabka lagu baaro Covid-19

Agaasimaha Caafimaadka maamulka degmada Guriceel Nafiso Maxamed Nuur ayaa warbaahinta star u sheegtay in ay jiraan dad la ildaran xanuun looga shakisan yahay coronavirus kuwaas oo ku sugan deegaano hoos tago degmada.
Dadkan oo ay ku jiraan kuwo da’a ah ayaa lagu wadaa in lagu booqdo deegaanada ay ku sugan yihiin ka dibna la keeno isbitaalka Istarliin oo laga diyaariyey goob lagu karantiilo dadka looga shakiyo xanuunkan
Nafisa ayaa sido kale hay’adaha iyo bulshada deegaanka waxaa ay ka codsatay in la soo garab istaago dadka ka cabanaya xanuunada loo maleeynayo coronavirus iyadoo sheegtay in aan la hayn qalab lagu xaqiijiyo xanuunka dadka qaba iyo kuwa aan qabin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here