Maamulka isbitaalka Karen oo iska difaacay eedeyn loo jeediyay

Maamulka isbitaalka Karen ee magaalada Nairobi ayaa iska difaacay eedeyn kaga timid xaaska majaajileystihii caanka ahaa ee Papa Shirandula oo dhawaan geeriyooday.
Beatrice Andega oo ahayd marwada jilaaga ayaa isbitaalka ku eedeysay inaysan si wanaagsan ugu adeegin saygeeda .
Waxay dhanka kale Mrs. Andega xustay in uu Charles Bukeko oo loo yaqaanay Papa Shirandula ku dhex dhintay gaariga gudihiisa intii uu sugayey shaqaalaha isbitaalkaasi oo ay ku dhaliishay inaysan xaaladiisa u tixgelin sida mid deg deg ah .
Waxaa kale oo ay sheegtay in shaqaalaha ka howlgalo xaruntaasi ay diiradda saareen sidii ay uga baari lahaayeen xanuunka COVID19 ayna iska indho tireen tijaabada duumada iyo oof wareen uu codsaday.
Hadalkan ayay jeedisay xilli ay shalay ka qeyb gashay aaska Papa Shirandula.
Dhanka kale madaxa fulinta ee isbitaalka Karen Juliet Nyaga oo beenisay edeymaha loo soo jeediyey ayaa sheegtay in shaqaalaha iyo maamulka guud ee isbitaalkaasi ay mar kasta xoogga saaraan bixinta adeegyo sare oo tayaysan iyo daryeelidda bukaanada.
Maamulka isbitaalka ayaa ugu baaqay warbaahinta in ay joojiso wararka beenta ah iyo edeymaha ka dhanka ah xaruntaas.
Papa Shirandula oo sannadkii 2010-kii la guddoonsiiyay abaalmarinta jilaaga ugu fiican ayaa subixii sabtida geeriyooday wuxuuna ifka kaga tagay xaaskiisa iyo 3 carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here