Maamulka Jubaland oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Kismaanyo.

Hay’adaha Amniga Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxaay faah faahin ka bixiyeen howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo,kadib weerar bambaano oo habeen ka hor ka dhacay Suuqa Golole ee Magaalada Kismaanyo.
Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Nabad Suggida Maamulka Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in weerarka bambaano lagu qaaday maqaaxi ku taalla agagaarka Aargada Magaalada Kismaayo,isla markaana hal ruux uu ku geeriyooday tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa uu Xusay in howlgalladii ugu dambeeyay oo ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland lagu soo qabtay dad looga shakiyay inay la Shaqeyaan dagaalameyaasha Al-Shabaab kana dambeeyeen weerarkaas,isla markaana ay baaris ku wadaan lana kala saari doono cidii danbi ku cadaado cadaalada la horgayn doono cidii aan danbi lahayna ay dib u heli doonto xoriyadeeda.
Ugu dambeyn Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax Raage oo ka tirsan Saraakiisha Nabad Suggida ee Maamulka Jubbaland wuxuu ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaanada Maamulka Jubaland inay laamaha Amniga la Shaqeeyaan si loo sugo Amniga Magaaladaas iyo Magaalooyinka kale.

Dhanka kale waxay Warar dheeraad ah kasoo baxayaan dagaal xalay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Maamul Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab sida la sheegay ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Jubbaland ee degmada Ceelwaaq,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday sida ay warbahainta gudaha Soomaaliya baahisay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Isgaarsiinta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ay saaka hawada ka maqan tahay,waxaana yar wararka laga heli karo dagaalkii Ciidanka Jubaland iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Ceelwaaq.
Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli dhankooda kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq-balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here