Maamulka Jubaland oo wada qorshe fatahaadaha ka dhan ah.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegtay inay bilaabayso mashruuc lagu dayactirayo seddex kanaal oo faa’iido u leh beeralayda waraabkooda, sidoo kalena looga hortagayo fatahaadaha Wabiga Jubba uu geysto deegaano Maamulkaas ka mid.
Seddex kanaal ee la dayactirayo ayaa waxaa horay u dhistay dowladdii uu hoggaamin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, kuwaasoo qaarkood duugmay markii ay dagaalada sokeeye dalka Soomaaliya ka dhaceen.
Mashruuca lagu dayactirayo kanaaladaan ayaa waxaa maalgalinaya Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FOA), sida uu sheegay maamulaha mashruuca Ismaaciil Cali Maxamed, waxaana Saddexda Kanaal laga dhisi doonaa tuulooyinka Bulaguduud, Yoontooy, iyo Qaam Qaam, ee waqooyiga magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Deggaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa dhawaan waxaa fatahaad ka sameeyay Wabiga Jubba, iyadoo fatahaas ay Sababaan burburka dalagyada beero farabadan sidoo kalena ay ku barakacaan Boqolaal qoys ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here