Maamulka KAA oo beeniyay warbixin ku saabsan nin diyaarad ka soo dhacay

Maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee KAA ayaa gaashaanka u daruuray warbixin ay qortay warbaahinta Sky News taasi oo lagu sheegay in nin bishii lixaad ee sannadkan diyaarad ka soo dhacay uu ka mid ahaa shaqaalaha gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaaladatani Nairobi.
KAA ayaa bayaan ay soo saartay shaaca kaga qaadday in Paul Manyasi uunan weligii ka mid noqon shaqaalaha nadiifiya JKIA.
Waxaa bayaanka maamulkan qeyb ka ah in magaca ninkaasi uunan ku jirin liiska howlwadeenada u diiwaangashan JKIA.
Shalay ayay ahayd markii Sky News ay soo saartay warbixin ah in la aqoonsaday ninkii bishii lixaad ka soo dhacay diyaaradda Kenya Airways oo ku wajahneyd magaalada London magaciisana lagu sheegay Paul Manyasi oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Kakamega.
Sido kale waxaa warbixinta lagu sheegay in Mr. Paul oo ay da’diisu ahayd 29 sano uu u shaqeynayay shirkadda Colnet hasa ahaate KAA ayaa caddeysay in shirkaddaasi iyo JKIA ay ka dhaxeysay oo keliya heshiis dhanka shaqadaha ah.
Maamulka maareeya garoomada diyaraadaha dalka ee KAA ayaa ugu dambeyn xusay inuu dhacdadan baaritaano qoto dheer ku sameynayo oo weli uunan go’aan kama dambeys ah gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here