Maamulka KENHA oo doonaya in la siiyo lacag dhan 2 bilyan

Maamulka qaran ee waddooyinka waaweyn ee KENHA ayaa dowladda ka dalbaday inay ku wareejiso dhaqaale gaaraya 2 bilyan oo shilin si uu dib ugu hagaajiyo waddooyinka ku burburay daadadka.
Roobab culus oo ka da’ay qeybo badan oo wadanka ka mid ah ayaa dhaliyay fatahaado waxyeeleeyay kaabayaasha waddooyinka ee dalka.
Guddoomiyaha guddiga maareeya KENHA, Wangai Ndirangu ayaa sheegay in lacagtan loo adeegsan doono oo keliya dayactirka meelaha baahida ugu badan ay ka jirto.
Mr.Ndirangu ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Murang’a halkaas oo uu kormeer ku sameynayay waddooyinka deegaannada Mathioya iyo Kigumo .
Mas’uulkan ayaa xusay in ilaa iyo hadda 500 oo milyan ay ku hagaajiyeen waddooyinka ay roobabku saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here