Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo todobaadkan looga hadlay xaaladaha ka jira deeganada Koonfur Galbeed, iyada oo warbixino kala duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Dekedaha.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku saabsan ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Xaalada Amni ee Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalkii u dambeyey ay sameeyen Ciidanka Xooga dalka Qeybta 60aad ee fariisinka ku leh Degmada Diinsoor, waxaana Wasiirka xusay in Howlgalka ay sameeyen Ciidanka ay ku soo qabsadeen Hub sidoo kale Qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Al-Shabaab .
Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale Amaanay ciidanka Amniga Magaalada Baydhabo sida ay u fashiliyeen qarax la doonayey in laga geysto Magaalada Baydhabo kaasi oo xalay lagu fashiliyey duleedka Magaalada Baydhabo lagana hortagay.
Wasiiradaha Wasaaraddaha Arimaha Gudaha,Dekadaha,iyo Howlaha Guud ayaa sido kale golaha warbixin ka siiyay Waxyaabaha u qabsoomay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey Howlaha shaqo ee ay u hayaan Shacabka waxaana uu ku dhiira geliyey inay sii laba jibaaran sidii looga miradhali lahaa Himilooyinka Shacabka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here