Maamulka koonfur Galbeed oo ka hadlay weerar ka dhacay walanweyn

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdullaahi Koosto ayaa xalay ka dhacay degmadaas,waxaana si kulul uga hadlay Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn,wuxuuna sheegay inuu ku geeriyooday bam gacmeed lagu weeraray Hoygiisa.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii lagu dilay guddoomiye ku xigeenka Wanlaweyn kaasoo ay kooxo hubeysan ku weerareen hoyga uu ka degenaa Magaaladaasi
Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Walanweyn ayaa sheegay in lagu raad joojo dadkii ka dambeeyay falkaan waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen Aabihiis,xaaskiisa iyo Afar Ruux oo kale oo qaarkood deris la ahaa.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdullaahi Koosto, hayeeshee waxaa jirta in degmada Walanweyn ay ka dhaceen dagaal beeleedyo khasaaro farabadan geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here