Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay inay magaalada Marka Go’doonka ka qaadayaan.

Kadib markii Ururka Al-Shabaab ay dhawaan go’doon saarey degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,shacabka magaaladaas ku noolna ay sheegeen inay muujiyey dareemeen culeys dhinaca nolosha ah ayaa waxaa arintaasi ka hadlay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin culeyska iyo dhibaatooyinka looga yareyn karo Shacabka Magalada Marka oo Al-Shabaab ay Go’doomiyeen.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay Magalada Marka iyo deegaanka Ceel Jaale ka hirgeliyeen dekado macmal ah taas oo Shacabka looga soo dejinayo waxyaabaha muhiimka u ah Magalada looga baahan yahay
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay inay si wadajir ah uga qyeb qaateen fudueynta in markab iyo doomo yar yar ay deegaanka ceel Jaale kasoo dejiyaan waxyaabaha Ganacsi ahaan loo keeno Magalada Marka.
Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed wuxuu ka hadlay xaalada amni ee Magalada Marka iyo qorsha xiga ee Maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay Magalada Go’doon tahay.
Isagoo Tilmaamay inay wadaan qorsheyaal kale oo magaalada Marko amaankeeda wax looga qabanayo sidoo kalena Go’doonka looga saarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here