Maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada Nairobi oo hoos tagaya xafiiska madaxweynaha

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa saxiixay amar madaxweyne kaasoo dhigaya in maamulka horay loo magacaabay ee qaabilsan bixinta adeegyada Nairobi ee NMS uu hoos tagaya xafiiska madaxweynaha.
Qoraalkan ayaa ah Executive Order No. 1 of 2020 .
Sido kale maamulka NMS ayaa hadda awood buuxda oo rasmi ah u haysta gudashada waajibaadka loo xilsaaray ee bilooyin ka hor laga soo wareejiyay dowladda ismaamulka Nairobi ee uu hoggaamiyo Mike Sonko.
Amarkan ayaa sido kale isbeddel ku sameynaya nidaamka madaxtooyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here