Maamulka maareeya abaaraha oo digniin ka soo saaray xaaladda 11 ismaamul

81

Maamulka qaran ee maareeya saameynta ka dhalato abaaraha ee NDMA ayaa soo saaray digniin ah in shacabka ku nool 11 ka mid ah dowlad deegaanada dalka laga cabsi qabo inay macluul daran soo wajahdo.
Ismaamuladan ayaa kala ah Wajeer, galbeedka Pokot, Turkana, Tharaka Nithi, Tana River, Taita Taveta, Samburu, Nyeri gaar ahaan deegaanka Kieni, Narok, Meru gaar ahaan dhanka waqooyi iyo Baringo.
Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii maamulkan uu warbixin ku sheegay in xaaladda ay sii xumaanayso.
Xoolaha la dhaqdo ee ku nool gobolka Waqooyi bari gaar ahaan kuwa Buna, Bute, Eldas iyo qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta Wajeer ayaa liita halka ceelasha qaar ay biyo la’aan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here