Maamulka maareeya adeegyada Nairobi ee NMS oo la siinaya 3.5 bilyan oo shilin

Maamulka loo xilsaaray maareynta adeegyada caasimadda dalka ee Nairobi ee magaciisu loo soo gaabiyo NMS ayaa lagu wareejinaya dhaqaale gaaraya 3.5 bilyan oo shilin.
Miisaaniyaddan ayaa qeyb ka ah dhaqaale hor leh oo loo bandhigay golaha hoose ee ismaamulka Nairobi si toddobaadkan loo eego.
Bishii Afaraad ee sannadkan ayay ahayd markii maamulkan uu wasaaradda maaliyadda ee dalka ka helay 3.8 bilyan oo shilin.
Lacagta loo qoondeeyay maamulka NMS waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka maaliyadda ee Nairobi ,Allan Igambi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here