Maamulka maareynta deegaanka oo xiray 4 ka mid ah hoteelada Kwale

Maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA ayaa albaabada isugu dhuftay 4 ka mid ah maqaayadaha ku yaalla ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta.
Tallaabadan ayay NEMA qaadday kaddib markii maamulayaasha xarumahaasi lagu eedeyay inaynan u hoggaansamin shuruucda la xariirta nadaafadda.
Maqaayadahan oo lagu kala magacaabo Galu Inn, Sea Breeze, Eden Palace iyo Kaskazi ayaa dhammaan ku yaalla degmada Diani ee Kwale.
Agaasimaha maamulka NEMA u qaabilsan ismaamulkaasi Mr. George Oyoo ayaa sheegay in maareeyaasha horay digniin loo diray balse ay iska dhaga tireen.
Mr Oyoo ayaa intaasi ku daraya in hoteelada ay shaqeynayeen iyadoo uunan jirin wax leesin ah oo muujinaya inay tixgelinayaan nadaafadda gaar ahaan maareeynta bullaacadaha.
Mas’uulkan ayaa sido kale sheegay inay xireen laba ka mid ah kaalimaha shidaalka ee Kwale isagoo carrabka ku adkeeyay in howlgalada ay wadaan ay sii socon doonaan.
Waxaa uu dhanka kale tilmaamay in xita ay tagayaan xarumaha waxbarasho, isbitaalada iyo kawaanada xoolaha lagu qalo si ay u xaqiijiyaan u hoggaansanka xeerarka ku saabsan nadaafadda.
Agaasimaha maamulka qaran ee NEMA ee Kwale ayaa ku nuuxnuuxsaday in ujeedada laga leeyahay howlgalada inaynan ahayn in cid gaar ah la ciqaabo balse oo keliya in la hubiyo in deegaanka lagu ganacsanayo uu yahay mid wanaagsan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here