Maamulka masaajidda habeenkii taraawiixda lagu tukado oo loo digay

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa digniin adag u dirtay maamulka iyo dadka habeenkii isugu tago masaajidda si ay si qarsoodi ah ugu tukadaan salaadda taraawiixda.
Wasaaradda ayaa amartay in arrintan sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo hadii kale tallaabo sharciyeed ayaa laga qaadaya cid kasta oo ku lug lahaata.
Sido kale dowladda waxay u digtay dadka leh maqaayadaha shaqeeya wixii ka dambeeya 7-da fiidnimo oo uu billowdo Bandow ka jiro guud ahaan dalka.
Wasaaradda ayaa digniin tani la mid ah u dirtay gaadiidleyda mataatuuda iyo wadayaasha mootooyinka oo qaar ka mid ah la sheegay inaynan u hoggaansamin amarrada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here