Maamulka Nema oo xiray 25 warshadood

Maamulka qaran ee maaraynta deegaanka ee NEMA ayaa sheegay inuu albaabada isugu dhuftay 25 warshadood oo lagu eedeyay inay wasaqeyaan webiga Nairobi.
Agaasimaha guud ee NEMA Geoffrey Wahungu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tallaabada ay qaaden.
Waxaa uu intaasi ku daray inaan la fiirsan Karin iyadoo warshadaha wax soo saaro ay sii wasaqeynayaan webiga Nairobi oo u baahan in la nadiifiyo si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha.
Mr .Wahungu ayaa carrabka ku dhuftay in warshadahan oo uunan magacyadoodu shaacin aysan u hoggaansmin heerka haboon ee ilaalinta iyo ka shaqaynta nadaafadda ee ka midka ah shuruucda maamulka uu hoggaamiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here