Maamulka NMS oo ballanqaad u sameeyay shacabka Nairobi

Agaasimaha guud ee maamulka NMS ee loo xilsaaray bixinta adeegyada Nairobi Maxamad Badi ayaa shacabka ku nool xaafadaha caasimadda dalka u ballanqaaday in si hufan loogu adeegi doono.
Xilli uu tagay golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayuu wakiillada u sheegay inay mudnaanta koobaad siin doonaan sare u qaadidda bilicda xaafadaha isku raranta ah.
Waxaa uu sheegay in xaafadahan aan muddo badan laga sameyn horumarka dhanka kaabayaasha waddooyinka ah.
Mr.Badi ayaa wakiillada golaha hoose ee Nairobi ka codsaday inay la wadagaan liiska mashaariicda ugu muhiimsan ee deeganadooda wuxuuna carrabka ku adkeeyay inaynan jirin xaafad lagu gacan bidixeyn doono dhinaca horumarka.
Guddoomiyaha baarlamaanka hoose ee Nairobi Beatrice Elachi ayaa Maxamad Badi iyo xubnaha maamulka NMS u xaqiijisay inay si dhow u wada shaqeyn doonaan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa bilooyin ka hor maamulkan u xilsaaray inuu wax ka qabto nadaafadda caasimadda, xallinta caqabadaha dhanka biyaha iyo arrimo kale.
Maamulka NMS ayaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan 26.4 bilyan oo shilin si uu u fuliyo mashaariicda loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here