Maamulka NMS oo digniin adag soo saaray

Agaasimaha guud ee maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada dadweynaha ee caasimadda dalka ee NMS Maxamad Badi ayaa digniin u diray shacabka ku nool Nairobi ee aan u hoggaansamin amarrada dowladda ay ku xakamaynayso faafidda cudurka COVID19.
Waxaa uu xusay in cid kasta oo aan ka mid ahayn shakhsiyaadka bixiya adeegyada muhiimka ah laga doonayo inay gurigeeda ku sugnaato ugu dambeyn 9-ka fiidnimo.
Mr. Badi oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay inuu qudhiisa kormeer sameyn doono.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in goobaha lagu caweeyo ee furan lagala laabanaya oo aynan abid dib u heli doonin leesimada ay ku shaqeyaan .
Maxamad Badi ayaa kiisaska fayraska corona ee sii kordhaya gudaha Nairobi u aaneeyay isku imaatinka dadweynaha.
Sido kale waxaa uu caddeeyay in maamulka uu hoggaamiyo ee NMS uunan wax faragelin ah ku hayn barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay inay qaab militari ah u shaqeynayaan.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu mamnuucay in maqaayadaha lagu dhex iibiyo khamriga .
Maqaayadaha ayaa dhanka kale laga billaabo maanta la xirayaa 7-da fiidnimo in kastoo ay maalinkii furnaanayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here