Maamulka NMS oo raali galin ka bixisay haweeny ku umushay albaabka isbitalka Pumwani

Maamulka loo xilsaaray maareynta adeegyada Nairobi ee NMS ayaa soo saaray war saxaafadeed ay raali gelin kaga bixineyso dhacda ay haweeney ku umushay albaabka isbitalka Pumwani ee magaladatani Nairobi.
Aggasimaha adeega caafimaadka ee NMS Josephine Kibaru Mbae ayaa sheegtay in dhacdadani la xaqiijiyay 13-kii bishaan.
Waxaa ay sheegtay in xiligaasi saarakiisha caafimaadka ay ku jireen shaqa joojin, oo dhamaantood aysan shaqada soo xaadirin taaas oo haatan la soo afjaray kaddib markii maamulka NMS iyo saraakiisha caafimadka galeen heshiis ay shaqada dib ugu laabanayaan.
Ms.Josephine ayaa xustay in waardiyaha kahor istaagay inay gudaha u gasho, kaddibna loogu yeerya mid ka mid ah kalkaaliyasha xiligaa xaruunta caafimaadka ku sugnaa.
Waxay dhanka kale sheegtay in NMS ay bogaadinayaan kalkaaliyasha sida ugu dhakhsiyaha badan u caawiyay bukanka, iyada oo intaa ku dartay in hooyada iyo dhalankeeda xaaladooda wanaagsantahay isbitalkana laga saaray 18-kii bishaan.
Mbae ayaa sheegtay in NMS ay ka go’antahay tababrka saraakiisha xafiisyada hore ee dhamaan xaruumaha caafimaadka.
Laamaha amaanka waa la badalay halka la sameeyay miiska qaabilada bukaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here