Maamulka NTSA oo in ka badan 20 baabuur ah ku qabtay Malindi

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa shaaca ka qaaday in howlgallo uu ka sameeyay deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta uu ku soo qabtay ugu yaraan 22 baabuur ah.
Arrintan ayaa timid kaddib markii wadayaasha gawaaridan lagu eedeyay inaynan u hoggaansamin shuruucda taraafikada.
Howlgalkan oo ka socdo guud ahaan dalka ayaa laga sameeyay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Malindi iyo Mombasa.
Waxaa in la fuliyo iska kaashaday saraakiisha maamulka NTSA iyo ciidamada booliska oo ay hoggaaminayeen ku xigeen sare oo ka tirsan booliska laguna magacaabo Anthony Kamitu iyo madaxa bixinta leesimada gaadiidka ee NTSA ,Xareed Aadan.
Baabuurta gacanta lagu dhigay ayaa u badan kuwa ay dadweynaha raacaan ee loo yaqanao PSVs oo cilladaha lagu helay ay ka mid tahay inuunan shaqeynayn qalabka lagu xakameeyo xawaaraha uu baabuurka ku socdo .
Qaar ka mid ah darawaliinta ayaa gawaarida kaxeynayay iyagoo aan sidan leesin , qaarkood uu ka dhacay ama u shaqeynayn iyo kuwa khamri isticmaalay.
Wadayaasha baabuurta ee la qabtay qaar ka mid ah ayaa lagu siidaayay damiin lacageed halka qaar kalena la geeyay saldhigga booliska ee deegaanka Malindi .
Amarrada laga doonayo in ciidamada baabuurta kala haga ee waddooyinka ay dhaqangeliyaan waxaa ka mid ah inay dejiyaan rakaab kasta oo saaran bas sido tiro ka badan intii loogu talagalay.
Howlgalladan ayaa laga billaabay Nairobi ka hor inta aan loo sii gudbin Machakos, Salama, Makindu, Voi iyo deegaanada kale ee dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii abaanduulaha booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai uu amar ku bixiyay in si dhow loola socdo gaadiidka noocyadiisa kala duwan si looga hor tago shilalka waddooyinka ee sare u kaco xilliyada fasaxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here