Maamulka NTSA oo ka hadlay shilalka waddooyinka

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) ayaa walaac ka muujiyay shilalka sii kordhaya ee ka dhaco qaybaha kala duwan ee wadanka.
Maareeyaha barnaamijyada NTSA Samuel Musumba ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan shuruucda taraafikada ee lagu kala hago gaadiidka.
Dib u eegistan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo waxqabadka ciidamada taraafikada.
Saameynta ugu badan ee ka dhalato shilalka ayuu maamulka NTSA sheegay inay soo gaarto wadayaasha mootooyinka iyo dadka iyagoo lugeynaya waddooyinka gudbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here