Maamulka NTSA oo leesimada kala laabtay shirkado dhowr ah

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa shaaca ka qaaday in meesha laga saaray leesimadii ay ku shaqeynayeen ilaa sagaal shirkadood oo kuwa gawaarida ah.
Baabuurta shirkadahan ayaa ka howlgalayay magaalada Nairobi waxaana tallaabadaasi laga qaaday kaddib markii aynan u hoggaansamin qaar ka mid ah shuruucda gaadiidka.
Shuruucda gaadiidka ee dalka ayaa dhigaya in shirkadaha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano (PSV) saccos laga doonayo inay howlgeliyana ugu yaraan 30 gawaari.
Bayaan ka soo baxay maamulka NTSA ayaa lagu sheegay in shirkadaha lagala laabtay leesimadii ay ku shaqeynayeen ay kala yihiin City Tram, Mwamba ,Marvellous Travellers ,MNGN Sacco ,Fig Komba Sacco, Moonlight Coach company, Mwirona Sacco, Huruma Mini Bus iyo Transafaris.
NTSA ayaa dadweynaha ku wargelisay inaynan raacin baabuurta shirkadahan si aynan saameyn ugu imaan.
Sido kale saraakiisha waaxda taraafikada dalka ayaa lagu amray inay gacanta ku dhigaan baabuur walba oo shirkadahan ka mid ah oo shaqeynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here