Maamulka NTSA oo loo magacaabay agaasime cusub

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa loo magacaabay agaasime cusub oo hoggaamin doono.
Guddiga maareeya arrimaha NTSA ayaa George Njao u magacaabay agaasimaha guud ee beddelaya Francis Meja oo muddo xileedkiisi uu dhammaaday.
Mr. Njao ayaa loo doortay inuu NTSA hoggaamiyo muddo saddex sano kaddib turxaan bixin ballaaran oo la sameeyay.
Mr. Njao ayaa leh khibrad kor u dhaafaysa ilaa 15 sano oo ku saabsan arrimaha gaadiidka iyo badqabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here