Maamulka NTSA oo sheegay in Kenyaanka shilalka ku dhintay ay rag u badan yihiin

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa warbixin uu maanta soo saaray ku sheegay in marka la eego tirada dadka ee ay shilalka waddooyinka noloshoodu galaafteen muddo hal sano ah ay rag u badan yihiin.
2,263 qof oo rag ah oo u dhiganta boqolkiiba (83.3%) ayaa shilal ku dhintay marka la barbardhigo haweenka oo tiradoodu lagu sheegay 459 oo ah boqolkiiba (16.7%).
Maamulka NTSA ayaa hoosta ka xarriiqay in shilalka ugu badan ay dhaceen maalmaha sabtida(497) iyo axadda oo la diiwaangeliyay (480)
Boqolkiiba 69% ee shilalka waddooyinka waxaa la soo tabiyay inta u dhexeysa 5-ta galabnimo iyo 8-da fiidnimo halka 31% boqolkiiba ay dhaceen galinka hore.
Maalmaha marka la eego waxaa ugu badneyd Khamiista oo ay shilal ku dhinteen 313 oo qof
Dadkan iyaga ah waxaa da’a ahaan ugu badnaa kuwo u dhexeysa 30-34 sano .
Ismaamulada dalka sida Nairobi waxaa laga diiwaangeliyay dhimashada 337 qof ,Kiambu (233) ,Nakuru (181)Taita Taveta( 35) Baringo (33 ) iyo Migori( 32).
Waxaa muddo hal sano ah guud ahaan wadanka shil ugu dhintay 1,049 qof oo hareeraha waddooyinka socday ama gudbayay.
Wadayaasha mootooyinka ayay tiradoodu noqotay 815 halka 93 qof ay baskili kaxeynayeen.
Sido kale wadayaasha baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay oo tiro ahaan dhan 722 ayaa shilal ku dhintay waxaana soo raaca darawaliinta kaxeeya baabuurta xamuulka (630) iyo darawaliinta baabuurta dadweynaha (559)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here