Maamulka NTSA oo warbixin ka soo saaray shilalkii sannadkan dhacay

Maamulka qaran ee gaadiidka ee NTSA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in waddooyinka Mombasa Road iyo Outering ee magaaladatani Nairobi ay yihiin kuwa ugu khatarta badan marka la eego shilalka gudaha dalka ka dhaco.
NTSA ayaa shaaca ka qaadday in shilalka ugu badan ee guud ahaan wadanka inay ka dhacaan Nairobi oo ah magaala madaxda.
Intii u dhexeysay 1-dii bishii koobaad ilaa 19-kii bishan sideedaad ee sannadkan waxaa Nairobi shil ugu dhintay 275 qof.
Wadada Mombasa Road waxay galaafatay nolosha 27 qof, Outering 23, halka waddooyinka Waiyaki Way iyo Thika mid waliba ay ku dhinteen 18 ruux, Kangundo 16 , Jogoo iyo Eastern Bypass mid kasta 12 qof iyo wadada Juja oo la diiwaangeliyay inay ku nafwayeen 10 qof.
Sannadkii hore maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in guud ahaan wadanka ay ka jiraan 273 oo ah goobaha inta badan ay shilalku ka dhacaan iyadoo 74 ka mid ah ay ku yaallan ismaamulka Nairobi.
Warbixinta maamulkan waxaa qeyb ka ah in baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay ay ugu horreeyaan dhanka shilalka waxaana sannadkan gudihiisa shil galay 73 ka mid ah.
Baabuurta ay dadweynaha ku safraan ee loo yaqaano PSV waxaa ds sannadkan shil galay( 56) ka mid ah , kuwa xamuulka qaado (42), mootooyinka (33), baabuurta dowladda (2) halka mooto bajaajta lagu sheegay hal.
Ismaamulada kale ee ay shilalku ku badanyihiin ayaa kala ah Kiambu 183, Machakos, 141, Nakuru, 134, Makueni, 87. Murang’a 82, Kericho 74 iyo Nyeri, 72.
Shilalka waddooyinka ayaan ku badneyn dowlad deegaanada Embu (39), Narok and Siaya (42), Kitui (45) Nyandarua (46), Kisii iyo Kilifi (48).
Guud ahaan dalka waxaa sannadkan la diiwaangeliyay kiisas dhimasho oo gaaraya 2,181 oo ka dhashay shilalka waddooyinka waxayna tani 276 ka sarreysaa tiradii sannadkii hore.
Dadka ugu badan ee shilalka ku dhinta ayaa ah kuwa waddooyinka gudbaya ama wadada hareeraheeda socdo waxayna gaarayaan 839 halka tirada rakaabka ee muddo 8 bilood ah shil ku dhintay lagu sheegay 450 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here