Maamulka Puntland oo awaamiir cusub soo saartay.

maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay Go’aamo la xiriira Maalmaha ciida ee nagu soo fool leh si looga hortaggo faafitaanka Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay deegaannada Puntland.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Maamulka Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in Puntland joojisay isu soo bixii fagaarah lagu dukado Salaada Ciida si looga taxadaro Cudurka Coronavirus.
Waxaa uu sheegay Wasiirku inay Go’aamiyeen in qof walba uu Gurigiisa ku tukado,isla markaana la joojiyey salaadaha lagu dukado Masaajid iyo Goobaha fagaarayaasha ah.
Wasiirka Cadaalada Puntlan wuxuu sidoo kale shegay in kadib Maalmaha ciida dib loo furi doono Dugsiyada Qur’aanka Kariimka,kuwaasoo horay loo xiray,kadib duruufo dhaqaalo oo soo wajahay Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka wax ka bari jiray.
Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka deegaannada Puntland ayuu ugu baaqay inay raacaan tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka si looga hortagoo cudurka ayagoo xadidaya Ardayda Dugsiyada hal mar soo galaya.

Maamulka Puntland ayaa horay u soo saaray go’aamo Cusub oo ay qeyb ka ahaayeen joojinta jaadka walow markii dambe la fasaxay iyo sidii kale in la joojiyey isku socodka dadka iyo Gaadiidka,balse maalmahaan la qafiifiyay sababo ciida la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here