Maamulka Puntland oo Ciidamada faray inay amaanka sugaan

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Deeganka Cowsane oo Ka tirsan Gobolka Sanaag kaga qeybgalay soo Afjarida Colaado ka taagneed Degaankaas oo u dhaxeeysay laba maleeshiyo oo isku deegaan ah.
Qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Sanaag, Odayaasha Dhaqanka labada maleeshiyo dhinac iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madasha lagu heshiisiiyay Beelahaas.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay nabadeynta deegaanka,sida Odayaasha Dhaqanka, Madaxweynaha Maamulka Puntland, qeybaha Bulshada degaanka Cowsane iyo Ciidamada Maamulka,isagoo labada Beelood ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan.
Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamada dhawaan la geeyay degaankaas looga baahan yahay inay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish oo ku sugan dhulka Beeraleyda ah ee Gobolka Sanaag.

Degaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaal Beeleedyo soo laab laabtay,kuwaasoo u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed,waxaana dhowr jeer fashilmay kulamo la doonayay in xal looga gaaro dagaal Beeleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here