Maamulka Puntland oo digniin ka soo saaray roobabka gobolka Bari.

Maamul goboleedka Puntland ayaa markale waxaay ka digeen roobab dabeylo Xooggan wata oo la filayo inay ka da’aan deegaano iyo Gobolo ka tirsan Mamulkaas,kadib markii saadaal hawada ay sidaasi shaacisay.
Agaasimaha Waaxda musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Puntland ayaa sheegay in deegaanada Maamulkaas ay dhawaan ka da’een roobab lixaad leh oo dadku ay ku diirsadeen,hayeeshee lafilayo inay sidoo kale da’aan roobab kale oo dabeylo wata oo waxyeelo geysan kara hadii aan markasta taxadar dheeraad ah la muujin.
Waxaa uu sheegay in sahanka saadaal ee la sameeyey ay muujinayso in 14-15 bishaan la filan karo in Roobab dabeylo wata ay ka da’aan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Bari ee maamulka Puntland iyo deegaanada xeebaha ku dhow.
Dadka ku nool deegaannada Dhul xeebeedka ah iyo Miyiga ayuu ugu baaqay inay ka foogaadaana Goobaha dooxooyinka ah,sidoo kalena wuxuuu uga digey kalluumeysatada inay sii wadaan howlaha jilaabashada kalluunka maadama ay hada jirti khatar dhanka roobabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here