Maamulka Puntland oo ka hadlay wasiir ka tirsan oo Muqdisho ku geeriyooday

Wasiirka geeriyooday Ismaaciil Diiriye Gama’diid

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Xukuumadiisa iyo kan Shacabka deegaanada Puntland, ayaa ka tacsiyaynayay Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo saaka caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada deegaanada Maamulka Puntland, kana mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada ee hada shaqaynaya.
Warka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa Goleyaasha Maamulka gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland.
Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa uga tacsiyeeyey guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday wasiirkii wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid ee ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Wuxuuna illaahay uga baryay inuu dembigiisii dhaafo dadkiisa iyo dalkiisa uu u shaqaynayayna samir iyo iimaan ka siiyo”.
Alle ha u Naxariistee Wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa la sheegay in saameyn hab-dhiska neefsashada ah uu ku reebay Cudurka oo uu muddo la jiifay Magaalada Garoowe,waxaana uu kamid ahaa wasiiradii uu Magacaabey Madaxweyne Deni sidoo kale uu la soo Shaqeeyay Dowladii Kacaanka,isaga oo ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Deeqaha Qaranka ee xiligaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here