Maamulka Puntland oo ku baaqay in Dastuurka Soomaaliya lagu dhaqmo.

Wasiirka Warfaafinta maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland Cali Xasan Axmed (Sabareey) ayaa sheegay inay muhiim tahay ixtiraamka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliy iyo ku dhaqankiisa si looga badbaado waxyaabo keeni kara caqabado hor leh oo dalka ku yimaada.
Masuulkaan ayaa Waxaa uu sheegay in puntland ay dhowr jeer isku dayday inay wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mad madowga siyaasadeed,balse taasi aan lagu guulaysan walina ay sii jirto waxyaabaha dowlada dhexe iyo maamulka Puntland ku kala aragtida duwan yihiin.

hadalka Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland ayaa imaanaya ayadoo Wareysi uu bixiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu dhowr mar wada-hadallo ugu yeeray balse uusan fulin baaqaasi.
Wali waxaan xal laga gaarin khilaafka dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland Hogaankiisa ayadoo hay’adaha labada dhinac aysan hada wadashaqayn muuqataa ka dhexayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here