Maamulka Puntland oo shaaciyay Kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Guddiga wacyigelijta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay Xalay Markale ku dhawaaqeen natiijada baaritaano lagu sameeyey dad lagu arkay astaamaha Cudurka,kuwaas oo qaarkood laga helay cudurkaas.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey 22 Ruux 8 kamid ah laga helay Cudurka,kuwaas oo kala ah 5 Rag ah iyo Saddex Dumar ah in kastoo aysan shaacin deegaannada ay Puntland kaga sugan yihiin.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada ilaa iyo hadda Cudurka Coronavirus laga helay ee deegaannada Puntland ay gaarayaan ilaa 38 Ruux hal qofna uu u geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here