Maamulka Puntland oo Shaaciyay Xaalado Cusub oo CoronaVirus ah

Wasaaradda Caafimaadka Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqdey natiijada baaris lagu sameeyey dad looga shakisanaa Cudurka Coronavirus,kuwaasoo qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in la baaray 11 qof oo isugu jira 6 rag ah iyo 5 dumar ah, xanuunkana laga helay 7 qof oo 5 ka mid ah rag yihiin, 2 da kalana haween yihiin, halka 4-ta qofna ee kalena laga wayay Cudurka.
Waxaa uu intaasi ku daray in Dadka laga helay Cudurka Saddex kamid ah ay joogaan Degmada Waaciya ee Gobolka Bari halka 4-ta kalena ay joogaan magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Maamulka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 30 ruux , uuna hal bukaan ah u geeriyooday xanuunka.
Kiisaskaan Cusub ee Cudurka Corona oo ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland kama mid ahan 51 Ruux oo shalay gelinkii dambe ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya kuwaasoo 12 ka mid ah ay Puntland.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Shalay xaqiijisay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux oo bogsaday hal qofna oo geeriyooday.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay rag 19-na haween ahaayeen.
Sidoo kale 37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir ee Caasimada Muqdisho, 12 Puntiland, labana Maamulka Galmudug.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka Soomaaliya laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here