Maamulka Puntland oo shaaciyay xiliga la tooganayo dadkii ka danbeeyay dilkii Caasha Ilyaas adan.

Xeer ilaalinta Guud ee maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa sirasmi ah u shaacisey waqtiga xukunka dilka ah lagu fulin doono Saddex nin oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loogu gyestay Gaalkacyo Gabar yar oo 12 jir ahayd laguna Magacaabi jirey Caaisho Ilyaas Aadan.
Saddexda nin oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa horaantii Bishii Febaraayo ee sanadkii tegay ee 2019 lagu cadeeyay inay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug fal kufsi iyo dil ah ugu geysteen Caaisho Ilyaas Aadan oo kamid aheyd dadka ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Raggan Saddexda ah oo lagu kala Magacaabo C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii hore 2019 waxaay Maxkamadda Gobolka Nugaal ku ridey xukun dil ah,iyadoo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.
Xeer ilaalinta Guud ee maamulka Puntland waxaa uu sheegay in xukunka dilka ah ee raggaas la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu ku began tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay fagaaro ku yaala Maagalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bay
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan wax laga weeydiiyey sababaha loo fulin la’yaay xukunka dilka ah ee Saddexdaasi nin,waxaana uu sheegay in taasi ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha Puntland balse aysan ahayn wax ay madaxtooyadu faragalin karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here