DHAGAYSO:Maamulka Puntland oo sheegay inay deegaanadiisa abaaro daran ka jiraan.

89

Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in wali qaar ka mid ah deegaanada maamulkaas ay ka jirto abaar aad u baahsan oo saamayn ku yeelatay nolosha dadka shacabka aha gaar ahaan kuwa miyiga ku nool oo xoolahood ay abaartu galaafatay sidoo kalena biyo la’aan wajahaya.
Xubno wasiiro ah ayaa loo xilsaaray la tacaalida saamaynta abaarta waxaana xubnahaas gudoomiye u ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Gudiga ka hortaga abaaraha maamulka Puntland oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa sheegay inay abaar aad u xoogan ka jirto deegaano badan loona baahan yahay in dadkaas la taakuleeyo.
Wasiirka qorshaynta ee maamulka Puntland C/qafaar Cilmi ayaa sheegay inay Khatar badan ka jirto deegaano badan oo Puntland ka tirsan abaartuna ay sii xoogaysanayso,isgoo sheegay in hadii hay’adaha gargaarku aysan gurmad la soo gaarin dadka ku nool deegaano ka tirsan gobolka Bari ay abaartaas saamayn weyn ka dhalan karto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here