Maamulka qaran ee ganacsiga oo ku baaqay in la soo saaro xeer taageeraya ganacsatada dalka

Madaxa maamulka qaran ee arrimaha ganacsiga iyo warshadaha ee (KNCCI) Richard Ngatia ayaa baarlamaanka ku booriyay inuu la yimaado xeer garab siinaya ganacsatada yaryar ee wadanka.
Waxaa uu xusay in tani ay ka caawinayso inay sii shaqeystaan xita kaddib saameynta cudurka COVID-19 .
Mr. Ngatia oo ka soo hormuuqday guddiga caafimaad ee baarlamaanka ayaa xildhibaanada ka codsaday inay xaqiijiyaan in dowladda ay barnaamij kasta oo dhanka ganacsiga ah mudnaanta koowaad ku siiso ganacsatada dalka.
Mas’uulkan ayaa sido kale sheegay in golaha xeer-dejinta laga doonayo inuu ganacsatada maxalliga badbaadiyo maadaama sida uu hadalka u dhigay uunan jirin dal shisheeye oo xilligan adag daneynaya inuu maalgashi ka sameeyo gudaha Kenya.
Dhanka kale Mr. Ngatia oo ah maamulaha guud ee shirkadda Megascope ayaa iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay fadeexadda laga soo tabiyay maamulka KEMSA.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here