Maamulka qaran ee NEMA oo agaasime cusub yeeshay

Guddiga maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA ayaa soo magacaabay agaasime cusub oo si ku meel gaar ah u sii haynaya xilkii Geoffrey Wahungu oo ka mid ah eedeysanayaasha loo haysto fadeexaddii muranka dhalisay ee biyo xireenada arror iyo Kimwarer ee ismaamulka Elgeyo Marakwet, gobolka Rift Valley.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee NEMA ayaa loo magacaabay Mamo B. Mamo
Mr. Mamo ayaa ka hor inta aan xilkan loo dhiibin ahaa agaasime ku xigeenka maamulka NEMA u qaabilsan warfaafinta iyo in dadweynaha la baro arrimaha deegaanka .
Isniintii ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu shaaca ka qaaday liiska magacyada 28 eedeysanayaal ah oo laga doonayo inay jawaabo ka bixiyaan sababtii keentay in dowladdu ay ballaayiin shilin siiso shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo lagu wareejiyay qandaraas ku aaddan mashruuc lagu dhisayo laba biyo xireen taasi oo aan la dhaqangelin.
Sido kale bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wasiirka wasaaradda shaqaalaha dalka Mr. Ukur Yatani u magacaabay ku simaha wasiirka malaiyadda dalka kadib markii dacwado lagu soo oogay wasiirkii xilkani hayay ee Henry Rotich.
Sido kale Dr Julius Monzi Muia ayaa laga dhigay ku simaha xoghayaha wasaaradda maaliyadda dalka maadaama sido kale uu eedeysane yahay Kamau Thugge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here