DHAGEYSO:Maamulka Shirshabeelle oo sheegay inay dad badan ka barakaceen gobolada shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay in dadkii ugu badnaa ay todobaadyadii la soo dhaafay ka barakaceen deegaano katirsan Maamulkaas, kadib fatahaad xooggan oo uu sameeyey Wabiga Shabeelle ee mara gobolada Hiiraan iyo shabeellada dhexe.
Wasaarada Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegtay inay Barakaceen ilaa 450 kun oo Qaf, oo ay saameeyeen fatahaadaha iyo Roobabkii ka da’ay deegaannada Maamulkaas.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Hirshabelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa sheegay in Roobkii deyrta ee ugu xooga badnaa uu ka da’ay degmooyinka Baladweyne, Jowhar Buulo-Burde,Jalalaqsi,Mahadaay iyo deegaano kale, ayna ka dhalatay Saamayn weyn.
Sidoo kale waxaa uu Xusay in Magaalada Baladweyne Xaafado katirsan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, isla markaana qaar kamid ah dadkii ku noolaa ay barakaceen hal qofna uu ku dhintay.
In ka badan 450 kun Qof ayuu sheegay inay ka barakaceen fatahaadaha iyo roobka ka da’ay deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaana ay wahayaan xaalado bani’aadanimo,waxaana uu ku baaqay in dadkaasi loo gurmado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here