Maanta oo maxkmada la soo taagayo dadkii ka dambeeyay dilka Monica Kimani

Kadib sagaal bilood oo baaritaano ah ayaa maanta maxkamada sare ee Nairobi waxaa ay dhagaysan doonta dacwadii dilka loo gaystay gabar lagu magacaabo Monica Kimani.
Waxaa maanta maxkamada la soo taagi doona Jacque Maribe oo ahayd saxafiyad iyo saaxibkeeda Joseph Irungu kuwaas oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka Monica Kimani.
Monica Kimani ayaa 19-kii bishii Sebtember lagu dilay gurikeeda oo ku yaala Lamuria Gardens kadib markii ay dib uga soo laabatay wadanka Koonfurta Sudan.
Mrs maribe ayaa banaanka ku joogtay lacag damaanad ah halka Mr Irungu laba mar loo diiday damaanad uu dalbaday in lagu siidaayo .
Labadan eedeysane hadii lagu helo dambigan dilka ah waxaa lafilaya inay maxkamada ku xukunto dil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here