Maareeyaha maaliyadda ee maamulka dekadaha dalka oo damiin lagu siidaayay

Agaasimaha waaxda maaliyadda ee maamulka dekadaha dalka ee (KPA) Patrick Nyoike oo maalmo ka hor la qabtay ayay maxkamadda Mombasa ku daysay damiin lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin.
Tani ayaa timid kaddib markii uu iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo la xiriira musuqmaasuqa lagu lunsaday 214.5 milyan.
Mr.Nyoike, xaaskiisa Jacinta Wanjiku Wambugu iyo karaaniga maamulka KPA Isaac Obunga ayaa gacanta lagu dhigay maalinkii Axadda.
Waxay eedeysanayaasha ka soo hormuuqdeen garsooraha maxkamadda Mombasa Edna Nyaloti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here