Maareeyihii Maamulka Horumarinta Kerio Valley oo dacwad lagu soo oogay

Maareeyihii hore ee Maamulka Horumarinta Kerio Valley (KVDA) David Kimosop iyo sideed qof oo kale ayaa lagu soo oogay lacago musuqmaasuq ah oo gaaraysa 63 bilyan oo shillinka dalka ah taasi oo ka dhan ah biyo xireenada Kimwarer iyo Arror .
Eedeeysanayaashan oo ka soo hormuuqday maxkamadda ayaa iska fokeeyay dhamaan dacwadihii lagu soo oogay.
Gudmooyaha maxkamadda la-dagaalanka Musuqmaasuqa Douglas Ogoti ayaa sheegay in mas’uuliyiintaasi ay si aanan habooneyn u isticmaaleen xafiiska,iyo inay ku lug lahayeen falal musuqmaasuq ah.
David Kimosop ayaa lagu xiray gagada caalamiga ah ee diyaaradaha Jomo kenyaatta magaaladatan Nairobi kadib markii uu ka soo laabtay dalka Tanzania.
Mas’uulkan qabashadiisa ayaa timid kadib amar ka soo baxay agaasimaha dambi baarista ee dalka George Kinoti.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirkii maaliyadda dalka Henry Rotich iyo xog’hayihiisa Kamau Thugge loo soo taagay maxkmadda iyagoona lala xariiriyay fadeexada biyo xireenada Arror iyo Kimwareer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here