Macaamiisha Safaricom oo dhibcaha taleefoonka cunno ku iibsan karo

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa billowday adeeg macaamiisheeda u fududeynaya in dhibcaha taleefoonka gacanta ee loo yaqaano Bonga Points ay ku iibsadaan cunnooyinka kala duwan.
Barnaamijkan ayaa sido kale macaamiisha u suurtagelinaya in iyagoo aan lacag haysan ay dhibcaha ku bixiyaan adeegyada muhiimka ah ee loo fidiyo.
Ololahan ayay shirkadda uga gol leedahay ka falcelinta saameynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19.
Sido kale waxaa laguu ogol yahay in dhibcahaaga aad u dirto qof kale oo u baahan inuu isticmaalo.
Waxaa qorshahan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee shirkadda Safaricom ee dhawaan xilkiisa la wareegay Peter Ndegwa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here