Macalimiinta dugsiyada dowladda oo sheegay inaysan go’aan ka gaari karin qorshaha jadwalka waxbarashada

Barayaasha dugsiyada dowladda ayaa waxay sheegeen inaysan wax go’aan ah ka gaari karin qorshaha lagu diyaarinaya casharrada ila laga siiyo jadwalka waxbarashada ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare.
Arrintan ayaa timid kaddib markii guddiga adeegga macalimiinta uu faray barayaasha inay diyaariyaan casharada iyo qorshaha shaqada.
Xoghayaha guud ee ururka macalimiinta ee Knut Wilson Sossion ayaa sheegay in in dowladda ay tahay inay go’aan ka gaarto goorta dib loo furayo dugsiyada si macallimiintu ay awood ugu yeeshaan inay diyaariyaan jadwalka casharada.
Guddoomiyaha Ururka madaxa dugsiyada Hoose dhexe ee dalka (Kepsha) Nicholas Gathemia ayaa sheegay in macallimiintu ay ka sugayaan tilmaamaha wasaaradda waxbarashada ee jadwalka iskuulada ka hor inta aan la diyaarin qorshooyinka casharrada iyo shaqada.
Wuxuu sidoo kale ka codsaday machadka horumarinta manaahijta dalka ee (KICD) inuu siiyo tilmaamo cad oo ku saabsan waxyaabaha ay macalimiintu u baahan yihiin inay ku bilaabaan u diyaar garowga ka hor inta dusgsiyada dib u furmin.
Dhanka kale guddoomiyaha Ururka madaxda dugsiyada Sare ee dalka Kahi Indimuli ayaa sheegay in shaqada macallimiintu ay ku xiran tahay la shaqeynta ardayda.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii guddiga adeegga macalimiinta eeTsc uu barayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare faray inay iska xaadiriyaan goobahooda waxbarasho si isugu diyaariyaan dib ufurka dugisyada halka wasiirka wasaradda waxbarashada Prof. George Magoha uu sheegay in la jooga xilligii dib loogu laaban lahaa goobaha waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here